Kulanka Bulshada Bariga Afrika
Ee lagu qabtay Horn Apartments – 3121 Pillsbury Ave S, Minneapolis
18 Luulyo 2024, 5:30-7 Galabnimo
Xubnaha Ka Qeyb Qaatay :
Diini – Xiriiriyaha, Naafada bariga Afrika
Abdul – Turjubaan
Hassan – Turjubaan
15 ka qeyb galayaal

Guthrie Byard ayaa hadalka u kala qeybinayey kooxda
- Waxa uu ku bilaabay inuu ka hadlo shaqada uu qabto iyo doorka ay ku leeyihiin
- Waxa uu sharxay ujeedada kulanka ee dadkan
- Waxa uu faahfaahiyey waxyaabaha ay ku ogaadeen sahanka ay bulshadu ka qeyb qaadatay.
Sharma’arke (sp?) – Waxa uu tilmaamay inuu yahay la taliyaha dadka naafada ah – waxaana jiray arrimo uu u soo jeediyey Guthrie.
- Inuu abuuro barnaamijyo lagu kobcinayo cududada shaqaalaha ee bulshada barriga Afrika. Tababaro la xiriira adeegga macaamiisha, khasnad hayayaasha, iyo tababaro kale.
- Waxa uu jeclaan lahaa inuu ogaado goobaha laga heli karo tababaro kombiyuutarada ah
- In wax laga qabto waxyaabaha ceebeynta ah ee la xiriira dadka naafada ah.
- Faahfaahin ka bixiyey sida ay dadku Magaalada ku tegi karaan.
- Arrimaha la xiriira gaadiidka In uusan aadi karin YMCA isaga oo aan heysan gaadiid uu ku tago, waddo amaan ah oo laga talaabo iyo goobo laga galo dhismayaasha oo waafaqsan nidaamka ADA
- Hay’addan waxaa maamulo dad mutadawiciin ah. Hay’addani waxa ay u baahan tahay tabaro la xiriira kobcinta maamulka. Hay’addani waxa ay u baahan tahay taageero xagga dhaqaalaha ah, in laga caawiyo helitaanka xafiis ay ku shaqeyso.
- Waxa kale oo ay u baahan gudi maamula iyo tababaro. Gudiga mutadawiciinta, ma garanayaan sida loola shaqeeyo gudiga maamulka. Magaaladu ma naga caawin kartaa arrimaha maamulka.
SU’AALO?
QORAAL
Maxay magaaladu qaban kartaa si ay u taageerto dadka naafada ah ee ka soo jeeda bariga Afrika?
Faalada bulshada
- Baahida ugu balaaran ee bulshada ka soo jeeddda Bariga Afrika waa gaadiidka. Tusaale ahaan, Metro Mobility ayaa ka caawin kara laakiin ma aha waqti kasta. haddii aad dooneyso in aad soo adeegto way ku adag tahay dadka naafada ah.
- Waa in aad balan ka sii qabsataa Metro Mobility mana aha mid waqti go’an ku timaadda iyo waqtiga ay dhaqaaqeyso. Waa baahida ugu badan ee iminka jirta.
- Midda labaad ee bulshadu u baahan tahay waa goob ay isugu yimaadaan. Waxaa kale oo ay u baahan yihiin xafiis iyo kharashka xafiiska Haddii ay magaaldu nagu caawin karto goobtaas waa mid muhim ah.
Guthrie: Magaaladu waxa ay leedahay xafiis taageera ganacsiyada yaryar, waxaa suurogal ah in aad heli kartaan fursad aad xafiiskaas kula xiriirtaan oo idin caawiyo.
Guthrie: Waxaanu daneyneynaa in Uber/Lyft ay ka mid noqdaan gaadiidka magaalada ee aad isticmaali kartaan.
Maxaa kale ayey magaaladu qaban kartaa si ay u taageerto dadka naafada ah ee ka soo jeeda bariga Afrika?
Faalada bulshada
- Wax walbaa horaa loo yiri.
- Waxaa haboon in dadku garanayaan halka looga hadlo oo loo gudbiyo cabashadooda.
- Waa maxay waxyaabaha ay heli karaan bulshada ka soo jeedda bariga Afrika?
Guthrie: In la yareeyo faraqa ka dhasha arrimaha la xiriira luqadaha kala duwan. Haddii ay magaaladu shaqaaleyn laheyd qof ku hadla afka Soomaaliga way fududaan laheyd in kalsoonida la dhiso.
Faalada bulshada
- Haa, taasi caawinaad wanaagsan bay noqon laheyd. Waxaanu u baahanahay meel su’aalaha aan qabno looga jawaabo.
- Waxa aan ka shaqeyn jiray Xafiiska Adeegyada Dhaqamada Kala Duwan ee Degmada Hennepin. Waxaa halkaas ka jiri jiray goob ay dadka Soomaalida iyo Oromada isugu yimaadaan ee Degmadu ay bixisay.
Guthrie: Waxa aan kugu xiri karaa qofka u xilsaaran Bulshada Bariga Afrika.
Faalada bulshada
- Arrinta xafiiska waa mid aad muhim ugu ah kooxdan.
- Waxyaabo yaryar ayaa loo baahan yahay oo dadka naafada ah ay ka heli karaan caawinaad laga caawiyo waxyaabaha yaryarka ah sida bixinta kharashka korontada. Magaaladu uguma wacan karno arrintaas.
- Waxaanu u baahanahay in aan ogaano waxyaabaha ay noo qaban karaan. Waxaa jira fikrad xun oo ah qofka naafada ah inuusan waxbarasho, shaqo heli karin. Waxay doonayaan in ay ogaadaan waxyaabaha suurogalka ah ee laga caawin karo xagga waxbarashada iyo shaqada.
Dinii – ayaa ku daray intii ay Hodan horay u tiri. Adeegga waxbarashada ee gaarka ah ayaa loo baahan yahay. Xilligan waxaa qandaraaskaas la siiyey Lyndale enighborhood, laakiin kuwa kalaba waa la siin karay.
- Waxaa loo baahan yahay waxbarashada iyo tababarada xirfadda. Waxaanu qaban karnaa shaqooyinka aan u baahneyn in jirka laga qabto. waxaanu dooneynaa in aan isku filnaano. Haddii ay magaaladu nagu caawin karto in aan gaarno ujeedooyinkaas. Ma dooneyno in aan cidna dul saar ku noqono.
- Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee na soo wajaha, horayna waa uga hadalnay. laakiin waxaa jira waxyaabo aan laga hadlin. Gelitaanka goobaha qaarkooda sida Karmel Mall. Ma jiraan albaabo ay isticmaali karaan. Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee xaafadda lama geli karo. Waxaanu dooneynaa in arrintaas wax laga qabto.
- Dhismayaasha aan la geli karin waa kuwa ganacsiga iyo degaankaba. Ma aha sawir la soo diro oo kaliya, ee waa baahi jirta.
- Dhismayaasha cusub ee xaafadda ku wareegsan – waxaanu dooneynaa in aan ka qeyb qaadano oo ra’yigeena la dhageysto.
Guthrie – waxaa jira guddi la talinta ah ee dadka naafada ah. Ma aaminsani inuu gudiga xubin ka yahay qof ka soo jeeda bulshada Bariga Afrika. Taas waa in wax laga bedelaa.
Faalada bulshada
- Waad ku mahadsan tihiin in aad halkan noogu timaadeen maaanta. Waxa aan su’aal ka qabaa faraqa kala fogaashaha. Waxa aan aaminsanahay in uu farqi aad u balaaran u dhaxeeyo xagga waxbarashada bulshada Bariga Afrika iyo ulshada naafada ah ee ka soo jeedda Bariga Afrika. Waxa ay u baahan yihiin in ay la sinaadaan bulshooyinka kale.
Guthrie – Magaaladu wax badan kama ogsoona dadka ka tirsan bulshada Bariga Afriga.
Diini – waa muhim in aan xubno ku yeelano gudiga la talinta ee magaalada.
Guthrie: Waxa aan arrintan la wadaagayaa qofka u xilsaaran arrimaha bulshada Bariga Afrika iyo Xubinta Gudiga Maamulka Magaalada.
Faalada bulshada
- Su’aasha bulshada- tiradu waa mid aad u sareysa codsiyada helitaanka gaadiidka la raaco. Kharashka intiisa badan waxa uu kaga baxaa gaadiidka. Arrintaas ma naga caawin kartaan?
Guthrie – Waxa aan idinka caawin karnaa in aan idinku xirio adeegga degmada.
Faalada bulshada
- Marka ay timaado xaaqidda iyo fogeynta barafka. Marka gaadiidka barafku xaaqaan barafka oo ku riixaan hareeraha wadada waxa ay xiraan goobtii aan ku socon laheyn. Mararka qaarkood waa in aan sugnaa maalin ilaa barafka laga xaaqo.
- Waxaan doonayey in aan ogaadoo haddii Magaalada Minnaeapolis – laga heli karo deeeq ama dhaqaale – ma caawin kartaa in ay guuleysato urur sida kan dadka naafada Ah ee Bariga Afrika.
Guthrie: Waxa aan idinka caawin karaa in aan idiin tilmaamo meelaha ka heli kartaan. Qeyb ka mid ah waa in la ogaado inta ay baahidu le’eg tahay si loo xadido meelaha dhaqaale looga heli karo.
- Waan fahmay taas, laakiin waxa aan u baahanahay qof naga caawiya fahamka nidaamka.
- Magaalada Minneapolis waxa ay bixisaa malaayiin doolar. Magaaladu waxa ay u baahan tahay in magaawdo qof naga caawiya qoraalka codsiyada deeqda si hawshan loogu guuleysto.
Guthrie: Marka aan ka hadalno xafiiska ganacsatada yaryar, waxaa iska cad in aysn shaqo wanaagsan qaban. Maxaan qabaan karnaa si aan idiin taageerno? Yaa buuxin kara codsiyada? Xafiiskayga waxa uu idinka caawin karaa inuu xiriiriyo arrintan.
Faalada bulshada
- Waad kumahadsan tihiin aad kulankan ka qeyb qaadateen. Waxaanu u baahanahay in aan dhaqan gelino dhamaan qodobada aan maanta ka wada hadalnay. Waxaanu u baahanahay in aan talaabo ka qaadno arrimahaas.
- Gudiga la talinta waa mid muhim ah. Waxaa loo baahan yahay in xbin ka socota bariga Afrika lagu daro MOCPD.
Sidee ayaan wada sheekeysiga noocan ah u sii socon karaa?
Guthrie – waanu soo tarjumeynaa oo idiin soo dirayaa qoraalka alaga sameeyey kulankan.
Faalada bulshada
- Taas waa adeega ay magaaladu qabaneyso. Suurogal ma tahay in aad heysataan macluumaadka meelaha aad adeeg ka heli kartaan ee Degmada, Goolka, iyo meelaha kale. Bulshada ma ku xiri kartaan adeegyada kale ee aanay ogsooneyn?
Guthrie – Waxaaanu martigelineynaa in shaqaale ka socda qeybaha kala duwan ee gobolka idinla kulmaan.
Hodan – marka dambe martigeli xiriiryaha Bulshada Bariga Afrika si aan u barano iyo halka lagala xiriir karo…?
Diini – fadlan aan wada shaqeyno sidii macluumaadka loo gaarsiin lahaa.
Faalada bulshada
- Waxaa jira hay’ado fara badan oo taageero ka hela magaalada. Managa caawin kartaa in bulshada bariga Afrika ka helaan hay’adaha magaalada caawinaadda ay u baahan yihiin?
- Dinni iyo kooxda: Sahan ayaanu ka qaadi karnaa bulshada si aan u ogaano helitaanka adeegyada.
Talo soo jeedin: Maadama uu urukani yahay mid bilow ah, waxaanu u baahanahay in aan ka faa’iideysano waayo aragnimada ururada waaw eyn ee horay hawshan oo kale u soo qabtay, waaxanu la shaqeyn karna aururadaas si aan uga helno waayo aragnimada aan u baahanahay.